top of page

War Deg Deg ah–

  • Aug 19, 2015
  • 3 min read

War Deg Deg ah– Beesha Caalamka oo ku baaqdey in Xal deg deg ah laga gaaro Khilaafka Madaxweynaha iyo Xildhibaanada(Akhriso Warsaxaafadeed Beesha Caalamku soo saareen)

Kadib kulamo goos goos ah oo ay Beesha caalamku ay maanta Muqdisho kula yeesheen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xildhibaanada Wada Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan ayaa Beesha Caalamku waxay labada dhinac ugu baaqeen in si degdeg ah loo xaliyo Khilaafka keeney mooshinka.

Wafdi ka socda Wadamada daneeya Soomaaliya oo si gaara qolaba Mar ula kulmey Madaxweynaha iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda Isaga ayay Beesha Caalamku u gudbiyeen Mowqifkooda ku aadan dhaliilaha loosoo jeedshey Madaxweynaha iyo go’aanka ay Xildhibaanadu kusoo abaabuleen Mooshinka.

Kulamadaas ka dib ayaa Beesha Caalamku waxay soo saareen Warsaxaafadeedkaan hoose

Muqdisho, 19 Agoosto 15: Iyagoo ah saaxiibada dadka Soomaaliyeed oo ka walaacsan xaaladda, ayaa danjireyaasha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) waxay muujinayaan inay aad uga welwelsanyihiin in mooshinka Baarlamaanka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda.

“Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufanaato, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah.

Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.

Inkastoo aan aqoonsanahay horumarka sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhanka federaalka, iyo annago sidoo kalena aqoonsan kaalinta muhimka ah oo geesinimada leh ee uu ka geystay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka ka soo gaarto, waxaan weli ka welwelsanahay horumarka ka socda ajendaha sharcidejinta iyo baahida loo qabo in la ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka midyihiin shuruucda doorashada, muwaadinimada, xisbiyada siyaasadda iyo maxkamadda dastuurka. Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahanyihiin muddo xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Soomaaliya inay ka fa’iideysato Barnaamijka Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo sannadka 2016. Sannadkii 2014, saaxiibada caalamku waxay si joogta ah ugu ololeeyeen xasilloonida siyaasadda iyo sii socodka hawsha, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto musuqmaasuqa laguna horumariyo maareynta maaliyadda guud, oo ay ka midyihiin dhinacyada amniga iyo difaaca. Sannadkan 2015kana, mawqifkeena waa sidiisii oo waan ku adkeysaneynaa, ismana bedelin.

Waxaa naga go’an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorasho ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin. Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil. Waxaan ka warhaynaa in laanta Fulinta (Xukuumadda) iyo Xildhibaanada Baarlamaanka labaduba ay ogolaadeen Qorshe Hawleedka la soo jeediyay ee hanaanka wadatashiga qaran.

Waxaan rumeysanahay in dadka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda la soo doortay, oo ay ka midyihiin Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kula xisaabtamaan sannadka 2016ka, iyagoo u maraya hanaan doorasho oo daahfuran oo loo wada dhanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saaraan arrimada mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen: (a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka; (b) sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo (c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page