top of page

safiika Norway u magacawday wadaka soomaaliya

  • Apr 5, 2015
  • 1 min read

DSC01032.jpg

Dhagax-dhigtay Dhisamaha Waddo Laami ah oo laga Hirgalinayo Gaalkacyo.

Maamulka degmada Gaalkacyo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland,ayaa maanta si rasmi ah u Dhagax-dhigay dhismaha Waddo Laami ah,taasi oo qayb ka ah hormarka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Wadada ayaa isku xiraysa magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,waana Waddo muhiimad balaaran u xambarasan Bulshada reer Puntland.

‘’Wadadan dhererkeedu wuxuu noqonaya 2,900-Mitir,oo kaso bilaabata Irida Xera Dayax,waa Waddo anfacaysa Puntland iyo Soomaalida isticmaasha Garoonka Cabdullaahi Yuusuf’’ Sidaa waxaa yiri Cabdicasiis Jaamac Guuleed.

Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Cabadirashiid Maxamed Xirsi oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada Dhagax-dhiga ayaa yiri‘’…Aad iyo aad baan uso dhowaynayaa Dhagax-dhiga Wadada,insha ALLAAH waa guul,waana Wado iskuxiraysa magaalada iyo Garoonka’’.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa si wayn uso dhoweeyay hormarka ka socda Gaalkacyo.

Hoos Ka Daawo Muuqaal iyo Sawiro;-


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page