top of page

Maxkamad kutaala dalka Maraykanka oo racfaan ka diiday labo nin oo burcad badeed ah oo lagu xukumay

  • Apr 19, 2015
  • 1 min read

Maxkamad ku taala dalka Maraykanka yaa racfaa ka diiday labo nin oo kamid ah burcad badeeda Soomaalida oo lagu kala magacaabo Abuukar Cusman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar.

Labadaan nin ayaa ku eedaysan inay ka qeyb qaateen dilka afar nin oo u dhalatay dalka Maraykanka, kuwaas oo la socday markabkii yacht Quest ee sanadkii 2011 burcad badeedu ka afduubteen biyaha qaliijka, inkastoo markii dambe xoog lagusoo furtay.

Qareeenada udoodaya labadaan nin ayaa racfaanka ka qaatay xukunka , iyagoo ku doodaya inuu faldambiyeedka labadaan nin ka dhacay meel 40 mile u jirta xeebaha Soomaaliya, islamarkaana uusan sharciga caalamiga ah aqbalayn xukunkaan.

Labadaan nin oo qeyb ahaa 19 burcad badeedah oo iskudayay inay afduubtaan markabkaan ayaa gacanta lagu dhigay 18 February sanadkii 2011, xilli markabku ku wajahnaa Puntland.

Qaar kamid ah burcadbadeeda ayaa lagu xukumay xabsi daa’in gudaha dalka Maraykanka.


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page