Faahfaahin:-Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo Muqdisho lagu dilay.
- Apr 19, 2015
- 1 min read
EEBE ha u naxariistee Kooxo hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan Aadan Xaaji Xusseen oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Dawlada Puntland,xilli Muqdisho ay kuso noqnoqdeen falal galaaftay nolosha Rayid iyo Mas’uuliyiin.
Dilka Xildhibaanka ayaa yimi ka dib markii Kooxo hubaysan ay Rasaas Marxuumka kula beegsadeen degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Baarlamanka Dawlada Puntland Mudane Siciid Xassan Shire ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu Marxuumku ka dhintay,wuxuuna Hay’adaha amniga Muqdisho ka dalbaday inay gacanta kuso dhigaan Gacan ku dhiiglayaasha dilka gaystay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay dilka Xildhibaanka,ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuumku.
‘’Hay’ad walba waa garanaysaa Mas’uuliyadeeda,nina hawshiisa fari mayno,Hay’adaha amniga ayaa looga baahan yahay falal Dambiyeedyada dhaca inay wax ka qabtaan’’Ayuu yiri Dalxa.
EEBE ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Xaaji Xusseen ayaa Sanadkii 2005-ta ayuu ka mid noqday Golaha Wakiiladda Puntland,taasi oo ka dhigan inuu muddo dhan 10-sano ka mid ahaa Baarlamanka Puntland,waxaana Marxuumka uu Muqdisho u tagay arrimo Caafimaad.
ALLA ha u naxariisto Xildhibaan Aadan Xaaji Xusseen.





Comments