top of page

Munaasabad lagu dhaarinayay Xildhibaanada Jubbaland oo Kismaayo ka dhacday iyo beelaha inta badan oo

  • Apr 16, 2015
  • 1 min read

baarlamaanka jubbaland.jpg

Waxaa magaalada Kismaayo lagu dhaariyay 75 xubnood, oo ka mid noqonaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Jubbaland.

Munaasabada dhaarinta xildhibaanada maamulka Jubbaland oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Kismaayo, ayaa lagu dhaariyay xubnahan, oo bilow u noqon doono Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, xilli aan la garanayn waxa ay wadartoodu guud noqon doonto.

Xildhibaanadan, ayaa waxaa laga soo kala xulay Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, waxaana munaasabadda lagu dhaariyay ku sugnaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Deegaanada ay madalaan qaarkood, inkastoo waxgaradkii gobolka Gedo ay shalay isaga baxeen shirka, kuna laabteen gobolka ay ka yimaadeen.C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland oo ka hadlay munaasabadda, ayaa waxa uu soo dhaweeyay Xildhibaanada cusub ee galabta la dhaariyay.

Fartaag, ayaa muujiyay suurta galnimada in Xildhibaano cusub lagu soo biiriyo 75-ka xubnood, ee gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay, ayaa noqonaya Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ee ugu da’da weyn.Odayaasha Dhaqanka, ayaa dhowr dumar ah ku soo daray Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Maamulka Jubbaland, xilli khilaaf badan uu ka dhashay soo xulista Xildhibaanada.

Jimcihii, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo isaga tagey Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Gedo, ka dib markii ay sheegeen inaanay Odayaasha Dhaqanka u madax banaanayn soo xulista Xildhibaanadda.

Urur Goboleedka Igad, ayaa si xoogan loogu eedeeyay inuu fara-gelin xoogan uu ku haayo soo xulista Xildhibaanada, walow uu Maamulka Jubbalanad waxba kama jiraan ku tilmaamay.


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page