(Sawirro) Madaxweynaha Puntland oo maanta ka qeyb galay barnaamij hay’adda UNDP kusoo badhigaysay wa
- Apr 13, 2015
- 2 min read

(Pi Garowe):- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaga qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ay ku soo bandhigaysay mashaariicdii horumarineed ee ay Puntland ka fuliyeen sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan Puntland.
Mas’uuliyiintii ka qeyb galay barnaamijkaan oo isugu jiray golayaasha dowladda iyo shacabka ayaa hay’adda UNDP weydiiyay su’aalo la xiriiray mashaariicda ay ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muhiimadda uu barnaamijku leeyahay ku tilmaamay inay tahay inaan shacabka reer Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.
” Sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya dadkoodu ay soo bixiyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha waxa anagu aanu rabno iyo waxa ay siyaasadda dawladu ay tahay in wax lagu sameeyo, dhaqaalaha labixinayana cidna magan ugama tihiin waa dhaqalihii dalka loogu talagalay ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’addaha dawladda Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka Puntland dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland.
Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga , maadama uu Madaxweynuhu ku amray madaxda hay’addaha inay laamiga ka dagaan oo adeegyadooda si siman Gobolada Puntland u gaarsiiyaan.
La xisaabtanka Dawladda ee hay’adda UNDP waxay ku timid balanqaadkii Madaxweyne Gaas ee ahaa in uu la xisaabtan dhab ah la yeelanayo dhammaan hay’addaha Dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, waxaana halkaas ka cad in uu fulay balan qaadkaas.
Daawo Sawiradda.
Puntlandi.com- Garowe.





Comments