Columbus, Ohio: Xafladdii soo dhaweynta ee Boqor Burhaan Boqor Muuse
- Apr 13, 2015
- 2 min read

Habeenkii xalay ee Axadda waxaa lagu qabtey Hotel Embassy Suits ee magaaladda Columbus, Ohio. Xaflad lagu soo dhawaynayay Boqor Burhaan Boqor Muusse oo ay ka soo qaybgalaan boqolaal dadwaynaha ku nool gobalka Ohio ee wadanka Maraykanka.
Waxaa ka hadlay dad isugu jira Isimo, Haween, Culumo iyo siyaasiyiinta gobalka oo ay kamid ahaayeen Senatoro iyo Congress.
Ads for Posts
Jaaliyadda Soomaliyeed ee Ohio ayaa waxaa shirka lagu maamuusay inuu furo Sheekh Aadan Sheekh Abdullahi, oo ka hadlay cabsida Alle iyo sida ay u nimcaysantahay Soomaalida ku nool magaaladda Columbus maadaama ay leeyihiin in kabadan toban masaajid oo camiran.
Boqor Burhaan ayaa waxaa lagu marti qaaday maalinnimaddii Axadda furitaanka xarun aad u wayn oo laga furayay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay, kana koobnaan doonta rugo wax barasho, goobo jirdhis, guryo deegaan ah, meelo lagu dabaasho, Masaajid wayn oo sagaal kun oo qof ku tukan karto.
Waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii ka hadlay Ali Jama oo ku hadlayay magaca gudiga qabanqaabada xafladda.
Waxaa halmar yaraatay shanqartii iyo dhaqdhaqaaqii qolkii shirka kadib markii loo yeeray Cismaan Abdixalin Cismaan Yusuf (Keenadiid) oo si maqal iyo muuqaal ah uga hadlayay taariikh ka soo bilaatay Afar Boqol oo sano ka hor markii Boqortooydai la aasaasay Illaa uu soo gaaray Boqor Burhaan oo hadda haya xilka Boqornimada.
Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Suldaan Fiqi oo isaga lagu maamuusay inuu ku soo dhaweeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse madasha.
Boqor Burhaan wuxuu si kooban uga hadlay inay ay jirto rajo fiican oo laga qabo inay Soomaalidu heshiis iyo hanasho dawladnimo gaarto taasina ay tahay hawsha uu socdaalkiisu ku saabsanyahay.
Boqorka ayaa ka codsaday dadwaynihii ka soo qaybgalay shirka in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska wadanka oo aysan ku koobnaan oo kiliya masruufka ay diraan. Boqor Burhaan ayaa dardaaran iyo duco dheer uga tagay dadwaynaha reer Columbus. Ugu danbayntiina waxaa la gudoonsiiyay Hadyado kala duwan oo Boqor Burhaan aad uga mahad celiyay.
Waxuu kaloo si guud ahaan ah uu ugu mahad celiyay shacabka reer Ohio oo uu kula dardaarmay in la midoobo lana is cafiyo si dhibka looga baxo wadankiina wax loogu qabto. Waxaanu sidoo kala ammaan u jeediya gudigii soo qaban qaabiyay xaflaadii quruxda badnayd ee sida heerka sare ah loo soo agaasimay.





Comments