top of page

Danjire Maxamed Cali Ameerika Oo Xilkii Safiirnimada Kenya Ku Wareejiyey Qunsulka Safaaradda

  • Apr 12, 2015
  • 1 min read

IMG_4136.JPG

Maxamed Cali Ameeriko, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Dalka Kenya ayaa shaley xil wareejin sameeyay, kadib markii dhawaan xukuumadda Soomaaliya ay safiir cusub Kenya usoo magacawday.

Maxamed Ameeriko ayaa xilkaasi ku wareejiyay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Siyaad Maxamed Shire, waxaana munaasabadda xil wareejinta lagu qabtay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi.

Waxa uu Mas’uulkaan wareejiyay gaadiid safaaradda Soomaalida Kenya ay lahayd iyo warqado cadeyn ah oo ku aadan dhulkii safaaradda Soomaaliya ku lahayd Kenya oo muddo badan gacanta ka maqanaa, balse dadaal dheer ka dib dib loo soo celiyay.

Waxaa munaasabadda ka hadlay siyaad Maxamed Shire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo si kumeel gaar ah u haynaya xilka safiirka, waxaana uu sheegay in safiir Ameeriko uu wax badan usoo qabtsay Soomaalida Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Maxamed Cali Ameerika loo qorsheynayo inuu noqdo gudoomiyaha gobolka Banaadir.


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page