Akhriso Ajandayaasha looga hadlayo shirka wada tashiga ee Puntland iyo Federaalka uga socda Garowe.
- Apr 12, 2015
- 1 min read

Warsidaha Puntlandi ayaa helay Ajandayaasha looga hadlayo shirka wada tashiga ee Dawladaha Puntland iyo Federaalka uga socda magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Shirka oo saaka furmay ayaa waxaa ku wada hadlaya Guddiyo ka kooban Wasiiro oo kala matalaya Puntland iyo Federaalka.
Ajandayaasha shirka looga hadlayo ayaa kala ah;-
1-Fulinta Heshiisyada horay loo galay.
2-Dib u eegista Dastuurka.
3-Shuruucda laga soo saarayo Federaalka iyo Guddiyada saamaynta ku leh Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
4-Qaab dhismeedka loo samaynayo Dawlad Goboleedyada oo laga yeesho aragti Midaysan,waxaana Puntland ay sheegtay inaysan sinaba u aqbalayn in Maamulada Federaalka ee dhismaha ay hareermaraan Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed.
5-Iyo Dhismaha Ciidamo Qaran oo Soomaaliyeed.
Labada Guddi ayaa si shirkoodu uu socday shan saacadood,waana shir ay Al-baabadu u xiran yihiin.
Guddiyada Puntland iyo Federaalka ayaa ka Doodaya qodobada horyaala,waxaana la filayaa in galabta galinka dambe laso afmeero shirka,loona soo Bandhigo Saxaafadda natiijada shirka.
Hawlwadeenada Puntlndi ayaa ku hawlan sidi ay u ogaan lahaayeen nhaddii ay jiraan qodobo lagu heshiiyay iyo kuwo wali Doodoodu ay socoto.
Akhriste hana fogaan si aad u hesho Wararkii ugu dambeeyay ee shirka





Comments