(Sawirro) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarahashada iyo tacliin
- Apr 12, 2015
- 1 min read
Pi Garowe):- Ra’iisul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tilaabo ku dayasho ku tilmaamay dadaalka ay wado wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare Puntland.
Hadalkaan ayuu Raysal wasaaruhu sheegay kadib markii uu maanta booqday xarunta wasaaradda waxbarashada, halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn diiran laguna gudoonsiiyay shahaado sharaf wasaaraddu ugu talo gashay.
Raysal wasaare Cumar oo uu wehlinayay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, isagoo warbixino ka dhageystay wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame.
Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka wasaaraddu gaartay iyo qaabka ay haatan u shaqeyso nidaam ahaan.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna dhankiisa sheegay wasaaradda waxbarashadu inay tahay tusaale koowaad ee xukuumadiisa, Waxaana uu sheegay inay madax kasta oo dowladda Soomaaliya ka socota oo Garowe yimaada ay soo booqdaan wasaaradda.
Reysal Cumar Cabdirashiid ayaa noqonaya Raysal wasaarihii 4-aad ee soo booqda wasaaradda waxbarashadaPuntland tan iyo sanadkii 2012.






Comments