top of page

Dawlada soomaaliya oo shhcisay wakhtga ay ciidanada kenya ka baxataan

  • Apr 12, 2015
  • 1 min read

hadliye1.jpg

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Kenya ay ku baxayaan uu yahay mid qeyb ka ah heshiis horay uu u saxiixay Ururka Midowga Afrika.

“Ciidanka Kenya markii ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 waxay wadeen howl gallo ay dalka ku xasilinayaan, 2017 waxaa rajeyneynaa inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan”ayuu yiri C/salaan Hadliye oo ku sugan magaalada Mombasa.

Waxa uu sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya aan loo fasiri karin Gumeysi, balse ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM iyo la dagaalanka al-shabaab.

Isbaheysiga Mucaaradka Kenya ayaa dhowaan ugu baaqay dowladda Kenya inay ciidamadeeda ka soo saarto Soomaaliya, si ay u yaraadaan weerarada ay Al-Shabaab ka geysaneyso gudaha Kenya.

Kenya ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya dabayaaqadii 2011, waxayna al-shabaab ka xureeyeen deegaano badan oo Jubooyinka iyo Gedo katirsan


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page