War deg deg ah
- Apr 9, 2015
- 1 min read

.
Ra’iisul Wasaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maalinta bari oo Jimce ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 9/4/2015-ka imanaya magaalada Garowe ee Caasimada Puntland sida u Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Madaxtoyada Puntland.
Qabanqaabo ballaaran oo lagu soo dhowaynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga dareemayaa Garowe,waxaana socdaalka uu Cumar ku imanayo Garowe uu noqonayaa Safarkii ugu horeeyay ee ku imaayo Puntland tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa yeelan doona kulamo, inkastoo oo aan s rasmi loo aqoon waxyaabaha kulamada diirada ku saari doonaan.
Socdaalka Cumar ayaa imanaya ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu codsaday inuu yimaado Puntland, xilli haatan Dawlada Federaalka ay ka dhiman tahay muddo kayar labo sano.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa dhowaan walaac xoogan ka mujiyay hirgalinta Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka,oo uu sheegay inaysan Dawlada Federaalku hayn wadadeeda.
www.puntlandi.com.





Comments