top of page

Wasiirka arimaha gudaha oo booqasho kutagay magaalada.dhoo somareeb

  • Apr 7, 2015
  • 1 min read

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wefdiga uu horkacaayay Wasiirka oo saakay ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana isla markiiba loo galbiyay Xarunta Odayaasha Dhaqanka ay kaga sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa waxa uu Magaalada Dhuusamareeb kulamo kula qaadan doonaa Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Dhexe, iyadoo uu wali murun xoog leh ka taagan yahay halkii lagu qaban lahaa shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

Dowladda ayaa sheegtay in shirku uu ka dhici doono Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb, halka Odayaasha Dhaqanka ay wali doonayaan in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.

odawa1.jpg


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page