top of page

war deg deg ah qarax ka dhacay gaal kacyo

  • Apr 7, 2015
  • 1 min read

Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii maanta ka dhacay Gaalkacyo.

(Gaalkacyo) Hal qof oo dumar ah ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo mid kamid ah lala beegsaday gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ka badbaaday weerarkaan oo la doonayay in lagu qaarijiyo, iyadoo uu bur bur xoogan kasoo gaaray gaarigii uu la socday.

Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ka sameeyay goobtii falkaan laga sameeyay, waxayna sheegeen inay baaritaan ku samayndoonaan cidii soo abaabushay weerarkaan loo adeegsaday qaraxyada.


 
 
 

Comments


Featured Review
Tag Cloud

puntlandbox.com

  • Facebook B&W
  • Twitter B&W
  • Google+ B&W
bottom of page