AMISOM oo agab gudoonsiisay booliska Soomaaliyeed ee Baydhabo
- Mar 28, 2015
- 1 min read
iidamada booliska ee AMISOM ayaa agab gudoonsiiyay ciidamada booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kuwaasi oo la sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan sugida.
Agabkaasi waxaa ka mid ah kaamirooyin qeyb ka qaadanaya sugida amniga si loogu adeegsado waaxda dambi barista ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Saciid Cali, madaxda dambi barista ee magaalada Baydhabo ayaa agabkaasi ka gudoomay ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Wuxuu u mahad celiyay ciidamada booliska AMISOM ee ku taageeray agabkaasi ka qeyb qaadanaya xaqiijinta amaaanka isagoo sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan sugida amaanka.






Comments